TELEFISHINKA SHABAKADDA SOOMAALIDA MINNESOTA
Minnesota Somali Network TV waa madal u taagan Dhiirigilinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo meelaha ka baxsan. Waxaa lagu aasaasay aragti lagu xoojinayo, lagu barayo, laguna dhiirrigelinayo bulshada, annaga oo bixinayna barnaamijyo tayo sare leh oo si gaar ah loogu diyaariyay haqab tirida baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha.
WAX QABADKEENA
Gaarsiinta xogta Dhabta ah, kor u qaadida hiddaha & dhaqanka iyo waxqabadka bulshada Soomaaliyeed. Annaga oo adeegsanayna warbixino, sheeko dhaqameedyo, madadaalo iyo waxbarasho. Barnaamijyadeena kaliya kuma eka inay xog iyo madadaalo Soo gudbiyaan, waxaan sidoo kale dhiirrigelinaa wadahadal iyo is dhexgal aan ooga dan leenahay xoojinta isku xirnaanta bulshada dhexdeeda.
ARAGTIDEENNA
Inaan noqono madasha ugu horreysa iskuna xirta bulshada Soomaaliyeed, iyada oo la xoojinayo midnimada, dhaqanka, iyo dareenka bulshada ku dhaqan gudaha Minnesota iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.
Inaan ugu adeegno bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota una soo gudbino barnaamijyo tayo sare leh sida warar sax ah, kobcinta dhaqanka, madadaalo iyo waxbarasho. Waxaan naga go’an in aan sare u qaadno codadka bulshadeena isla markaana dhiirrigelino isbeddelka wanaagsan, oo aan abuurno ilo lagu kalsoonaan karo.
HIMILADEENNA
BALLAN QAAD KEENA
Waxaan si heelan oo ay ku dheehantahay daacadnimo iyo hal-abuur ugu adeegi doonaa bulshadeena, inagoo u diyaarin doona madal lagu soo bandhigo hiigsiga iyo guulaha bulshada Soomaaliyeed si aan u dhiirrigelino jiilalka mustaqbalka.
BARNAAMIJYADEENA
Warar - Soo gudbinta wararka iyo waraysiyada.
Madadaalo - Filimaan, heeso, iyo isboorti.
Bulsho - Wacyigelin caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqanka.
Xayeysiin - Taageeridda ganacsiyada.
Diin - Muxaadarooyin iyo Quraan akhris.
Dhaqanka - Hiddaha iyo suugaanta bulshada.
ABDIHAKIM ISMAIL


Milkiilaha & Aasaasaha
Abdihakim Ismail waa aasaasaha Minnesota Somali Network TV, oo ah madal loo aasaasay dhiirrigelinta iyo xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed. Abdihakim waa hogaamiye leh aragti iyo ujeeddo fog. Ujeedkiisuna yahay inuu dhiso madal kulmisa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo dunida dacaladeeda.
AWOODSIINTABULSHADA
Baahinta tooska ah ee dhacdooyinka bulshada, talooyinka caafimaadka, iyo bandhigyada dhaqanka ee wax ka qabanaya baahiyaha gaarka ah ee bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota. Ujeeddadayadu waa wargalinta, isku xirrno daawadayaasheena.


Contact
2649 Park Ave. S. # LL5
Minneapolis, MN 55407